Golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda adag ee abaaraha ka jira qaybo badan oo ka mid ah dalka iyo saameynta ba’an ee abaartu ku yeelatay nolol-maalmeedka shacabka, gaar ahaan helitaanka biyo nadiif ah iyo cunto ku filan.
Xukuumadda ayaa caddeysay inay diyaarinayso qorshayaal degdeg ah oo wax looga qabanayo xaaladda taagan, si loo yareeyo dhibaatada haysata bulshada.
Kulanka oo uu shir-guddoominayey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Sanduuqa Qaran ee Maareynta Khataraha iyo Musiibooyinka.
Xeer-nidaamiyahan ayaa dejinaya hannaan sharci iyo mid maamul oo mideysan, kaas oo lagu hagayo diyaar-garowga, ka-hortagga iyo ka jawaabista musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa ay sababeen falalka bani’aadamka.
Ujeeddada xeerkan ayaa ah in la xoojiyo isku-duwidda hay’adaha dowladda iyo ka-qaybgalka bulshada, si si wax-ku-ool ah looga hortago ugana jawaabo khataraha iyo musiibooyinka.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiisyo iyo ballanqaadyo caalami ah oo muhiim u ah horumarinta hay’adaha dowladda, kor u qaadista awoodda shaqo ee hay’adaha, iyo tayeynta adeegyada ay dowladda u fidiso shacabka.
Heshiisyada iyo axdiyaasha la meel-mariyey waxaa ka mid ah:
- Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca gaadiidka badda iyo horumarinta adeegyada la xiriira dekedaha iyo maraakiibta.
- Axdiga Shaqaalaha Badda ee sannadkii 2006, kaas oo qeexaya xuquuqda shaqaalaha ka shaqeeya badda iyo shuruudaha shaqo ee ay leeyihiin.
- Heshiiska Caalamiga ah ee Nairobi ee sannadkii 2007, kaas oo diiradda saaraya ka saarista burburka maraakiibta si loo ilaaliyo badbaadada marin-biyoodka iyo deegaanka badda.
- Axdiga Caalamiga ah ee cabbirka culeyska maraakiibta ee sannadkii 1969, kaas oo nidaaminaya cabbirka iyo miisaanka maraakiibta si loo hubiyo badbaado iyo hufnaan.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin dhammaystiran ka dhegeystay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Tahriibka iyo Ka-ganacsiga Dadka, taas oo si cad u muujisay heerka tahriibka ka jira dalka iyo halista ba’an ee uu ku hayo dhallinyarada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii, warbixintu waxay tilmaantay in tahriibku dhallinyarada geliyo xaalado khatar ah oo naf iyo maalba leh, kuwaas oo si toos ah u saameeya noloshooda iyo fursadahooda mustaqbal.
Khataraha ka dhasha waxaa ka mid ah dhimasho, dhaawacyo culus, xarig iyo xabsi, falal tacaddi ah iyo ku tumasho xuquuqda aadanaha, kuwaas oo si weyn u wiiqa rajada mustaqbal ee dhallinyarada Soomaaliyeed isla markaana caqabad ku noqda horumarka guud ee dalka.