Dagaal aad u culus ayaa weli ka soconaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaas oo u dhaxeeyo ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo C/raxmaan Nishow.
Goobaha dagaalka ka socdo ayaa la sheegay inay ku jiraan xaafadaha Onadka, Cali Amxaar, iyo waddada Sodonka, kuwaas oo ah deegaano muhiim u ah isu socodka magaalada.
Dagaalkan ayaa salka ku haya muran dhuleed iyo khilaaf u dhexeeya labadaasi dhinac, wuxuuna mid walba sheeganayaa lahaanshiyaha dhulka iyo xakameynta deegaanka, taasoo keentay in dagaalka uu weli sii socdo.
Illaa iyo haatan lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaaladaasi, inkastoo dadka deegaanka ay sheegeen inay jiraan dhimasho iyo dhaawac aad u badan.
Dhinaca kale, Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay dagaalladaasi ayaa sheegay in ciidamada amniga ay magaalada Baydhabo ka fuliyeen howlgal ballaaran oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad lagu eedeeyay inay dhibaato ku hayeen dadka shacabka ah.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda guud ee Baydhabo ayaa weli kacsan, waxaana gebi ahaanba hakad ku jira ganacsigii, isu socodkii dadka, iyo adeegyada kale ee muhiimka ah, waxaana dad badan ay weli ku xayiran yihiin guryahooda iyagoo ka cabsi qaba in dagaalka uu sii fido.