Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa si adag uga hadlay xarigga lagula kacay taliyihii hore ee ciidanka asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Mahad C/raxmaan Aadan (Taliye Shub), isagoo ku tilmaamay tallaabadaasi mid muujineysa aargoosi siyaasadeed.
War-saxaafadeed uu soo saaray 26-ka Maarso 2026, ayuu Farmaajo ku sheegay in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen hoyga taliyaha ee magaalada Muqdisho, islamarkaana laga qaaday xorriyaddiisa, taas oo uu ku sifeeyay fal ka hor imaanaya sharciga iyo nidaamka dowladeed.
Sidoo kale, Farmaajo ayaa si toos ah u dhaliilay madaxweynaha xilka haya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay inuu qaaday waddo uu ku tilmaamay mid u eg kali-talisnimo, taas oo uu sheegay inay muujinayso jihada siyaasadeed ee cusub ee dowladda, isla markaana halis gelin karta hannaanka dimuqraadiyadda dalka.
Dhinaca kale, Farmaajo ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay si gaar ah u beegsaneyso mas’uuliyiin kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, oo ay ku jiraan wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan, kuwaas oo uu sheegay inay taageersan yihiin qabsoomidda doorashooyinka deegaankooda, taasoo uu ku tilmaamay inay ka hor imaaneyso rabitaanka madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in cadaadiska lagu hayo mas’uuliyiintaas uu muujinayo in hoggaanka dalka uu ka leexday rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu carqaladeynayo hannaanka doorashooyinka.
Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa ugu baaqay dowladda inay si degdeg ah u sii deyso taliyahii hore ee ciidanka asluubta Sarreeye Gaas Mahad C/raxmaan Aadan (Taliye Shub), isla markaana ay joojiso waxa uu ku tilmaamay ku takri-falka awoodda, isagoo sidoo kale uga digay madaxweynaha tallaabooyin uu sheegay inay dhaawici karaan dowladnimada Soomaaliya iyo midnimada shacabka.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkan kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada, gaar ahaan Koonfur Galbeed, kuwaas oo inta badan la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo qaybsiga awoodaha dowladda.
