Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shaaciyay in xaaladda dalka uu ku socdo waddo halis ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shaaciyay in xaaladda dalka uu ku socdo waddo halis ah

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee u dhaxeeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, isagoo muujiyay in xiisaddu ay sii xoogeysaneyso.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya labada dhinac uu marayo heer aad u xasaasi ah, isagoo tilmaamay in xaaladdu ay ku socoto waddo ay ka dhalan karto iska horimaad.

Wuxuu sidoo kale sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ay wadaan abaabul la xiriira banaanbaxyo qorsheysan oo la filayo inay magaalada Muqdisho ka dhacaan 4-ta bisha June, halka uu tilmaamay in dowladda federaalka ay iyaduna waddo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka socda gudaha madaxtooyada.

“Waan ognahay abaabulka uu Xasan Sheekh waddo, iyadoo ay sidaas tahay hadana dad masaakiin ah oo waxmagarato ah inuu siiyo lacagtii uu umada ka dhacay uu yiraahdo dadka aflagaadeeya, anaa la i dilayaa, ninka raba inuu wax dilo oo hadane raba inuu xukunka xoog kusii joogo waa adiga” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in hadallada iyo falalka isdiidan ee labada dhinac ay sii kordhinayaan xiisadda, taas oo uu ka digay inay u gudbi karto xaalad kasii daran tan hadda jirta, haddii aan xal siyaasadeed laga gaarin.

Dhinaca kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara qalalaase siyaasadeed, isagoo ku boorriyay in wadahadal iyo is-afgarad lagu xalliyo khilaafka taagan.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo baxay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kusoo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhaxeeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, taas oo salka ku haysa hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddellka dastuurka Soomaaliya.