Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta shir guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kaas oo uu la yeeshay Guddiga Joogtada ah.
Kulanka ayaa ku bilawday warbixin uu guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe ka siiyay xubnaha guddiga joogtada safarkii uu dhawaan ku tagay magaalada Baydhabo, iyo waxyaabihii uu kala soo kulmay.

Aadan Madoobe ayaa faahfaahin ka bixiyay isbedelladii siyaasadeed ee dhawaan ka dhacay Koonfur Galbeed iyo dadaallada dowladda federaalka ee la xiriira hannaanka doorashada hoggaanka maamulkaas.


Dhinaca kale, habdhowraha guud ee golaha shacabka xildhibaan Maxamed C/laahi Xasan (Nuux), ayaa si rasmi ah u dhaariyay xildhibaan C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ku biiray xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu dhaariyay xubno ka tirsan golaha wasiirrada federaalka, kuwaas oo kala ah:
- Wasiir ku-xigeenka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Ismaaciil Ciid Maxamed
- Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Xasan Maxamed Cali
- Wasiir ku-xigeenka wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha, Nadiifo Aadan Isaaq

Dhaarinta xubnahan cusub ayaa qeyb ka ah habraaca dastuuriga ah ee golaha shacabka, iyadoo lagu xoojinayo shaqada hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Ugu dambeyn, kulanka guddiga joogtada ayaa lagu soo gabagabeeyay jawi degan, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga golaha shacabka iyo hay’adaha dowladda, si loo dardar geliyo howlaha qaran ee horyaalla.