Dowladda federaalka oo ku dhawaaqday tallaabo ka dhan ah macdan qodista sharci-darrada ah

Dowladda federaalka oo ku dhawaaqday tallaabo ka dhan ah macdan qodista sharci-darrada ah

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday qorshe ballaaran oo ay ku doonayso inay tallaabo adag kaga qaaddo shirkado iyo shaqsiyaad lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah uga faa’iideysanayaan kheyraadka macdanta dalka, taas oo lagu tilmaamay mid dhaawac weyn ku ah dhaqaalaha iyo maamulka kheyraadka qaranka.

Wasiirka batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu leeyahay kheyraad macdan oo hodan ah oo aan weli si buuxda loo maareyn, hase yeeshee ay jiraan howlo si aan sharci ahayn loogu qodo loona dhoofiyo macdanta, gaar ahaan dahabka.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in dowladda federaalka ay haatan wado baaritaanno iyo dabagal rasmi ah, si loo aqoonsado dhammaan shirkadaha iyo shaqsiyaadka ku lugta leh falalkaasi, loona bilaabo dacwado sharci ah oo waafaqsan nidaamka dalka.

Sidoo kale, Wasiir Daahir Shire ayaa shaaca ka qaaday in sannadihii u dambeeyay dalka laga qoday dahab lagu qiimeeyay in ka badan 331 milyan oo doolar, kaas oo si sharci-darro ah looga dhoofiyay Soomaaliya loona geeyay suuqyada caalamka, taas oo muujinaysa baaxadda khasaaraha ka dhashay maareyn la’aanta kheyraadka dabiiciga ah.

Wasiirka ayaa walaac ka muujiyay in howlahan ay si gaar ah uga socdaan gobollada Sanaag iyo Bari ee Puntland, iyo sidoo kale gobolka Awdal ee Somaliland, halkaas oo sida uu sheegay ay horey uga jireen warbixino iyo baaritaanno hordhac ah.

Dhinaca kale, wasiirka ayaa sheegay in sharci cusub oo lagu maareynayo kheyraadka macdanta dalka uu marayo heer gabagabo ah, isla markaana la filayo in uu si rasmi ah u dhaqan galo marka uu saxiixo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn, wasiirka batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa xaqiijiyay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin dadaallada ballaaran ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in kheyraadka dabiiciga ah ee dalka loo maareeyo si sharci ah, hufan oo waara, si looga faa’iideeyo shacabka Soomaaliyeed.