Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo la kulmay guddiga doorashooyinka qaranka

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo la kulmay guddiga doorashooyinka qaranka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Jibriil C/rashiid Xaaji ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha C/kariim Axmed Xasan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeeysa maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo guddiga doorashooyinka, iyadoo labada dhinac ay isla qaateen muhiimadda hirgelinta doorashooyin hufan, daahfuran, oo xaqiijinaya ka qaybgalka shacabka iyo kor u qaadista dimuqraadiyadda.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa wacyigelinta bulshada iyo ka qayb-qaadashada haweenka, dhalinyarada, iyo qeybaha kale ee bulshada ee doorashooyinka.

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed Jibriil C/rashiid Xaaji ayaa bogaadiyey dadaallada guddiga doorashooyinka, isagoo caddeeyey in maamulkiisa ay ka go’an tahay taageeridda hawlaha muhiimka ah ee lagu xaqiijinayo doorashooyin xor iyo xalaal ah, islamarkaana loo helo kalsooni buuxda shacabka.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la xoojiyo wada-shaqeyn joogto ah, la sameeyo qorshayaal la xiriira hirgelinta doorashooyinka, iyo la socodka xaaladda guud ee amniga si loo hubiyo in geeddi-socodka dimuqraadiyadda uu noqdo mid nabad iyo xasilooni ku dhisan.