Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal culus ka fuliyay deegaan ka tirsan degmada Jilib

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbo caalami ah ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Far-Shabeel oo hoostaga degmada Jilib ee gobolka J/dhexe, kaas oo lagu bar-tilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgalkaasi si gaar ah loogu beegsaday fariisimo ay Al-shabaab ku lahayd deegaanka Far-Shabeel, iyadoo la xaqiijiyey in ciidamada dowladda ay burburiyeen goobo ay kooxdaasi u adeegsan jirtay saldhigyo iyo xarumo ay ka abaabulaan dhaqdhaqaaqyadooda.

Saraakiisha ammaanka ee ku lugta lahaa hawlgalkan ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo lagu wiiqayo awoodda kooxda Al-shabaab, gaar ahaan meelaha ay kooxdaasi weli ku dhuumaaleysanayaan ee gobolka.

Dhinaca kale, degmada Jilib iyo deegaannada hoos yimaada ayaa sanadkan noqday goob ay ka dhaceen duqaymo iyo hawlgallo isdaba joog ah oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa xoojiyey dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxda Al-shabaab, iyadoo dowladda ay ku celcelisay in hawlgallada milatari ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo xasillooni iyo nabad waarta oo ka hirgasha deegaannada ay weli ku sugan yihiin kooxdaas.