War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Sh/hoose lagu khaarajiyay horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Abuu Cabdalla.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in horjoogahan uu muddo dheer ku lug lahaa abaabulka iyo fulinta falal amni-darro oo lagu dhibaateynayay shacabka ku nool gobolkaas, isla markaana uu ka mid ahaa shaqsiyaadka muhiimka ah ee kooxda u qaabilsanaa hagidda iyo qorsheynta weerarrada ka dhaca deegaannada Sh/hoose.
Sidoo kale, howlgalka ayaa lagu dilay waardiyihii gaarka ahaa ee horjoogaha, iyadoo ciidamada ay si guul leh u xaqiijiyeen bartilmaameedkii ay u socdeen, sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay sheegtay in howlgalkaasi uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku beegsanayaan horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka Al-shabaab, si loo wiiqo awooddooda loona fashiliyo qorshayaasha ay ku carqaladeynayaan amniga iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale xaqiijiyay in howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ay sii socon doonaan, iyadoo si joogto ah loo xoojinayo dadaallada lagu sugayo amniga, xasilloonida iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.
