Taliska booliska degmada Guriceel ayaa sheegay in ciidamada ammaanka degmadaasi ay gacanta kusoo dhigeen nin loo haysto inuu dil ka geystay deegaanka Madaraso Sheekh Maxamed ee gobolka Galgaduud.
Ninka la qabtay, oo lagu magacaabo Cali Cabdi Jaamac, ayaa lagu eedeeyay inuu habeenkii xalay dil u geystay marxuum C/shakuur Xasan Geledi.
Howlgalka lagu soo qabtay eedeysanaha ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugidda, kuwaas oo ku guuleystay in muddo kooban gudaheed ay gacanta kusoo dhigaan.
Eedeysanaha ayaa la sheegay in haatan lagu hayo saldhigga degmada Guriceel, islamarkaana ay ku socdaan baaritaanno, si loogu gudbiyo hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh dacwadda.
Dhinaca kale, taliska booliska degmada Guriceel ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada marxuum C/shakuur Xasan Geledi, iyagoo Alle uga baryay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaan na ka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan eheladii uu ka baxay.
Ugu dambeyn, talisku booliska ayaa sheegay inuu sii wadi doono howlaha lagu xaqiijinayo amniga, la dagaallanka dambiyada iyo ilaalinta badqabka bulshada, iyagoona shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo adkeeyo nabadda iyo kala dambeynta.