Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa macawiisleyda ayaa si wadajir ah u wado howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, kuwaas oo diiradda lagu saarayo deegaano ay kooxdaasi gacanta ku hayaan, gaar ahaan deegaanadda ka tirsan gobolka Hiiraan.
Howlgalladan ayaa waxaa lagu beegsanayaa saldhigyo, goobo tababar, iyo xubno muhiim ah oo ka tirsan Al-shabaab.
Weeraradii ugu dambeeyay ayaa la sheegay in lagu dilay dhowr xubnood oo ka tirsan kooxda, waxaana sidoo kale lagu qabtay hub iyo agab kale oo dagaal.
Ciidamada dowladda ayaa sheegay in howlgalladu ay qeyb ka yihiin sugidda ammaanka magaalooyinka waaweyn iyo jidadka muhiimka ah ee ganacsiga, si loo yareeyo weerarada iyo qaraxyada kooxda.
Saraakiisha amniga ayaa ku booriyay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada, si loo helo xog ku saabsan dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab, loona yareeyo waxyeelada ka dhalan karta howlgallada.
Kooxda Al-shabaab ayaa sanadkii tagay ee 2025 la wareegtay magaalooyin muhiim ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay kamid yihiin Maxaas iyo Moqokori, kadib dagaalo culus oo halkaas ka dhacay.
Si kastaba ha ahaatee, howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya looga xoreeyo Al-shabaab, waxaana la filayaa in howlgalladan ay sii socon doonaan ilaa kooxda laga saaro deegaanada ay haatan gacanta ku hayaan.