Dacwad-oogayaasha federaalka Mareykanka ayaa bilaabay baaritaano dambiyeed oo lagu sameynayo guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Federaalka Jerome Powell, arrintaasi oo la filayo inay sii kordhiso welwelka laga qabo madax-bannaanida siyaasadeed ee lacagta dalkaas.
Powell ayaa sheegay in dacwad-oogayaasha federaalka ay Bangiga Dhexe u gudbiyeen amarro maxkamadeed (subpoenas) oo la xiriirta markhaati uu ka hor bixiyay guddi ka tirsan Kongareeska Mareykanka.
Wuxuu tilmaamay inuu aaminsan yahay in dacwadaasi la furay kadib markii uu ka caraysiiyay Donald Trump diidmada uu ka diiday inuu hoos u dhigo heerarka dulsaarka, inkastoo madaxweyne Trump uu meel fagaaro ah hore uga sheegay inuu sidaasi sameeyn doonno.
Powell, oo ay muddo xileedkiisa ku eg tahay bisha May ee sanadkaan, ayaa sheegay in welwelka laga muujinayo mashruuca dib-u-dhiska uu yahay “marmarsiiyo” lagu wiiqayo madax-bannaanida bangiga dhexe ee dejinta heerarka dulsaarka.
“Hanjabaadda dacwad dambiyeedka, waxay ku saleysan tahay natiijada ka dhalatay in Bangiga Dhexe uu dejiyo heerarka dulsaarka, inagoo ku saleynayna qiimeynteena ugu wanaagsan ee waxa dan u ah bulshada, halkii aan ka raaci lahayn rabitaanka madaxweynaha,” Sidaasi waxaa yiri Jerome Powell
“Tani ma waxay ku saabsan tahay in Bangiga Dhexe uu sii wadan karo dejinta heerarka dulsaarka iyadoo lagu saleynayo caddeymo iyo xaaladaha dhaqaale, mise taa beddelkeeda, siyaasadda lacagta waxaa hagaya cadaadis ama cabsi gelin siyaasadeed.” Ayuu Mr Powell hadalkiisa sii raaciyay
Dhinaca kale, Powell ayaa sheegay in waajibaadkiisa uu u gutay, isagoo aan lahayn cabsi ama eex siyaasadeed, isla markaana ujeeddadiisu ay ahayd oo keliya ilaalinta waajibaadka laba-geesoodka ah ee bangiga dhexe, xasilloonida qiimaha iyo shaqo-helidda ugu badan.
“Mararka qaarkood u adeegidda dadweynaha, waxay u baahan tahay in si adag loo istaago xitaa marka hanjabaado la wajahayo, waana sii wadi doonaa fulinta shaqada ay Senetku ii ansixiyeen inaan qabto, anigoo leh daacadnimo iyo go’aan ah u adeegidda shacabka Mareykanka.” Ayuu Jerome Powell hadalkiiisa kusoo gunaanaday.
Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Trump ayaa muddooyinkii dambe si isdaba joog ah ugu hanjabayay Jerome Powell inuu shaqada ka eryi doono, kadib markii uu ka diiday inuu si deg-deg ah ku dhimo heerarka dulsaarka.