Warbixin uu daabacay wargeyska caalamiga ah ee Bloomberg ayaa lagu sheegay in dowladda Israa’iil ay waddo qorshe ay ku dhiseyso saldhig militari oo ku yaalla duleedka magaalada Berbera ee dhulka ay maamusho Somaliland, si ay ula socoto dhaqdhaqaaqyada kooxda Xuutiyiinta ee ka hawlgasha dalka Yemen.
Sida lagu sheegay warbixinta, qorshahaan ayaa qayb ka ah dadaallada Israa’iil ay ku xoojinayso awooddeeda la socodka amniga iyo dhaqdhaqaaqyada militari ee ka socda badda cas iyo gacanka cadmeed, oo ah marin-biyood aad muhiim ugu ah ganacsiga iyo maraakiibta caalamiga ah.
Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in sanadkii hore koox khubaro amni iyo militari ah oo ka socotay Israa’iil ay booqdeen xeebaha Somaliland, si ay u sahamiyaan goob ku habboon dhismaha xarun militari ama xarun sirdoon oo ay Israa’iil ka hirgeliso aaggaas.
Qorshahan la sheegay ayaa soo baxaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa militari ee ka taagan gobolka Bariga Dhexe, gaar ahaan loollanka u dhaxeeya Israa’iil, Mareykanka iyo Iiraan.
Xiisadahaas ayaa saameyn ku yeeshay amniga maraakiibta iyo isu-socodka ganacsiga ee marinka muhiimka ah ee badda cas iyo gacanka cadmeed, halkaas oo kooxda Xuutiyiinta ay marar badan ku bartilmaameedsadeen maraakiibta ganacsiga.
Warbixinta Bloomberg ayaa xustay in mid ka mid ah goobaha la tixgelinayo uu yahay dhul sare oo qiyaastii 100 kiiloomitir dhanka galbeed kaga beegan magaalada Berbera, halkaasi oo lagu tilmaamay mid istaraatiiji ah maadaama uu ku dhow yahay dekedda Berbera islamarkaana ay maamusho shirkadda DP World.
Haddii qorshahan uu hirgalo, waxaa la filayaa inuu si weyn u saameeyo miisaanka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika, maadaama gobolka uu noqday meel ay si weyn u xiiseeyaan quwadaha caalamiga ah ee doonaya inay ilaashadaan danahooda amni iyo ganacsi ee marinnada badda.
Ilaa iyo hadda, ma jirto wax war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Israa’iil ama Somaliland oo si cad u xaqiijinaya ama u beeninaya warbixintan.
Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa dhalisay dood iyo falanqeyn la xiriirta saameynta ay ku yeelan karto amniga gobolka iyo xiriirka siyaasadeed ee dalalka ku yaalla Geeska Afrika.