Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Jabuuti kaga qayb galay kulan heer sare ah oo saddex-geesood ah oo ay wada yeesheen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Kulankaasi oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada shaqaynta iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhaxeeya dalalka Geeska Afrika, ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka gobolka, gaar ahaan xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada iyo adkaynta nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Madaxda saddexda dal ayaa si gaar ah u falanqeeyey xaaladda amni ee gobolka, iyaga oo isla qaatay in la sii kordhiyo wada shaqaynta iyo is-dhaafsiga macluumaadka si wax looga qabto khataraha amni ee ka jira gobolka.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo hadal qaaday horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo nidaamka dimuqraadiyadda, dib-u-dhiska dowladnimada iyo kobcinta hay’adaha dowladda si loo gaaro xasillooni waarta.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay madaxda kale horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga, maamulka iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.

Guud ahaan, madaxdaasi waxay isla gorfeeyeen fursadaha dhaqaale ee ka jira gobolka, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa maalgashiga, ganacsiga, isu-socodka dadka iyo badeecadaha, iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, dekedaha iyo isku xirka gaadiidka, taas oo muhiim u ah kobaca dhaqaalaha iyo xoojinta isdhexgalka dalalka Geeska Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambayn uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti martigelinta kulanka, isaga oo carrabka ku adkeeyey in sii wadidda wada-tashiyada noocan oo kale ah ay door muhiim ah ka qaadanayaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, amniga iyo iskaashiga dhaqaale ee dalalka gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan saddex-geesoodka ah ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah dadaallada lagu dhisayo gobol nabdoon, iskaashi leh, isla markaana leh horumar dhaqaale oo wadajir ah, taas oo ka tarjumaysa aragtida wadajirka ah ee madaxda Geeska Afrika ee ku aaddan mustaqbalka gobolka.