Wasiir ku-xigeenka warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa si kulul uga jawaabay hadallo kasoo yeeray qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Wasiir ku-xigeenka ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku eedeeyay madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, iyo xildhibaan C/xmaan C/shakuur Warsame, inay doodaha siyaasadeed u beddeleen aflagaado, hadallo kicinaya xiisad, erayo uu ku tilmaamay kuwo xambaarsan hanjabaad.
“Waa nasiib darro weyn in odayaal looga fadhiyay aragti qaran uu warkoodu ku dhammaado aflagaado, gaalaysiin iyo hanjabaad, haddana isla raggaas ayaa sheeganaya in dowladda ay dilayso, cajiib!” ayuu yiri Al-Cadaala.
Ugu dambeyn, wasiir ku-xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in doodaha siyaasadeed ee dalka looga baahan yahay in lagu saleeyo mas’uuliyad, ixtiraam iyo u hoggaansanaan xeerarka dowladnimo, halkii ay ka noqon lahaayeen hadallo uu ku tilmaamay kuwo dhaawici kara xasilloonida iyo wadajirka bulshada.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Al-Cadaala ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo si joogto ah hawada isu mariya eedeymo la xiriira arrimaha doorashooyinka, amniga iyo hannaanka maamulka dalka.