Laba wasiiru-dowle oo ka tirsanaa xukuumadda federaalka oo xilalkooda iska casilay

Laba wasiiru-dowle oo ka tirsanaa xukuumadda federaalka oo xilalkooda iska casilay

Laba wasiiru-dowle oo ka tirsanaa xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inay xilalkii ay hayeen iska casileen, iyagoo sabab uga dhigay diidmada ay ka qabaan habraaca iyo hannaanka loo maray wax-ka-beddelka dastuurka dalka.

Mas’uuliyiinta iscasilay ayaa kala ah Wasiiru-Dowlihii Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Caynaanshe Yuusuf Xuseen, iyo Wasiiru-Dowlihii Batroolka iyo Macdanta, Xildhibaan Ismaaciil Shire Buraale, waxayna labaduba ka soo jeedaan deegaannada Puntland.

Qoraallo iyo war-saxaafadeedyo ay si gooni gooni ah u soo saareen ayay ku sheegeen in wax-ka-beddelka lagu sameynayo dastuurka uu yahay mid aan marin wadatashi qaran iyo habraac sharci oo waafaqsan nidaamka dastuuriga ah ee dalka.

Waxay carrabka ku adkeeyeen in dastuurku yahay heshiis bulsho oo saldhig u ah dowladnimada, isla markaana aan lagu sameyn karin wax-ka-beddel aan loo dhammayn talo-wadaag iyo isla-ogolaansho siyaasadeed. Sida ay sheegeen, hannaan kasta oo ka leexda wada-tashi ballaaran wuxuu wiiqayaa kalsoonida hay’adaha dowladda iyo midnimada qaranka.

Wax-ka-beddelka dastuurka ayaa noqday arrin si weyn u kala qaybisay mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaanno ka tirsan labada gole ayaa aragtiyo kala duwan ka qaba sida loo wado geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka.

Qaar ka mid ah mudanayaasha ayaa taageersan in wax-ka-beddelka la dedejiyo si loo dhammeystiro qodobbada weli ku meel gaarka ah, halka kuwo kalena ay ku doodayaan in aan la qaadi karin tallaabo kasta oo aan la helin wadatashi qaran oo ay ku jiraan maamul-goboleedyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Khilaafkan ayaa sababay dood adag iyo is-mari-waa siyaasadeed oo saameyn ku yeeshay shaqada baarlamaanka, islamarkaana horseeday in arrinta dastuurka ay noqoto mid si weyn loogu kala aragti duwan yahay.

Iscasilaadda labadan wasiiru-dowle ayaa loo arkaa mid muujinaysa heerka uu gaaray khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay wax-ka-beddelka dastuurka. Tallaabadan waxay sidoo kale keeni kartaa in cadaadis dheeraad ah la saaro xukuumadda iyo hoggaanka baarlamaanka si loo helo hannaan wada-ogol ah oo lagu wajaho arrimaha dastuurka.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ra’iisul wasaaraha ama madaxtooyada oo ku saabsan iscasilaadda mas’uuliyiintan iyo sida loo buuxin doono boosaskooda.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa la saadaalinayaa inay sii xoojiso xiisadda iyo doodaha siyaasadeed ee ka aloosan mustaqbalka dastuurka, isla markaana saameyn ku yeelato jihada iyo hannaanka dowlad-dhiska dalka, xilli ay weli taagan tahay kala aragti duwanaansho ku saabsan sida loo wajaho dib-u-eegista iyo ansixinta qodobbada muranka dhaliyay.