Booliska Soomaaliya oo habeenkii xalay xiray la-taliyaha madaxweynaha Puntland

Booliska Soomaaliya oo habeenkii xalay xiray la-taliyaha madaxweynaha Puntland

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay inay xabsiga dhigeen Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo ah la-taliyaha madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Saciid C/laahi Deni, iyagoo ku eedeeyay falal lagu tilmaamay kuwo khatar ku ah amniga dalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska booliska ayaa lagu caddeeyay in Axmed Cabdi Maxamuud Hurre, oo ah La-taliyaha Madaxweynaha Puntland uu ku howlanaa falal amniga lid ku ah, isla markaana uu haatan ku socdo baaritaan rasmi ah.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibaadkooda qaran ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo ku howlanaa falal amniga liddi ku ah, waxaana ku socda baaris,” ayaa lagu yiri qoraalka uu taliska boolisku ku baahiyay barta Facebook, kaas oo uu la socday sawirka Hurre.

Dhinaca kale, mas’uuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ayaa falkan ku sifeeyay “afduub sharci-darro ah” oo la sheegay inuu dhacay xilli habeenimo ah, iyagoo ku dooday in aan loo marin hannaan sharci oo sax ah.

Ilo ku dhow Puntland ayaa sheegay in xariggaan uu sii xumeyn karo xiriirka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Puntland, xilli horey ay u jireen khilaafaad siyaasadeed oo u dhaxeeya labada dhinac.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo si cad uga hadlaya eedeymaha loo jeediyay la-taliyaha la xiray ama faahfaahin ka bixinaya nooca falalka amni ee lagu tuhunsan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadaan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay weli taagan yihiin muranno siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada dalka, taasoo sare u qaadaysa walaaca laga qabo in xiisaddu sii xoogeysato haddii aan xal degdeg ah laga gaarin arrintan.