Maamulka Galmudug oo ka hadlay hannaanka doorasho ee ka dhici doona deegaanada Galmudug

Wasiirka warfaafinta Galmudug, Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko)

Galmudug ayaa war cad kasoo saartay hannaanka doorasho ee ka dhici doonta deegaanadeeda, iyadoo si adag u shaacisay mowqifkeeda ku aaddan in doorashadu noqoto mid loo siman yahay oo ay ka wada qeyb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadda.

Wasiirka warfaafinta Galmudug, Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko), oo habeenkii xalay warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb, ayaa sheegay in Galmudug ay si buuxda u taageersan tahay doorasho hufan, daahfuran, isla markaana ku saleysan is-afgarad siyaasadeed.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in maamulka Galmudug uu mar kale caddeynayo muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan doorasho oo ay ku qancaan dhammaan dhinacyada, si looga fogaado khilaaf iyo is-mariwaa siyaasadeed.

Wasiir Cali Seeko ayaa dhanka kale eedeyn culus u jeediyay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka, C/kariin Axmed Xasan, isagoo sheegay inuu ku lug yeeshay arrimo uu ku tilmaamay kuwo dhaawacaya dhexdhexaadnimada guddiga.

Wuxuu tilmaamay in haddii guddiga doorashadu uu noqdo mid ku milma olole siyaasadeed, ay taasi wiiqeyso kalsoonida lagu qabi karo natiijada doorashada, isla markaana ay dhaawaceyso hufnaanta geeddi-socodka siyaasadeed.

“Doorasho dhab ah oo xor iyo xalaal ah waxay ku dhici kartaa oo keliya guddi madaxbannaan oo ka fog wax kasta oo eex iyo dano siyaasadeed ah,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Cali Seeko.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda in laga wada shaqeeyo sidii loo xaqiijin lahaa hannaan doorasho oo caddaalad ku dhisan, si loo helo natiijo lagu wada kalsoon yahay oo horseedda xasillooni siyaasadeed.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), oo mar kale u taagan xilka hoggaanka maamulka, ayaa maalmihii u dambeeyay waday dadaallo la xiriira qaab-dhismeedka guddiga doorashooyinka qaranka, iyadoo ay arrintaasi ka dhalatay kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo sii xoogeysanaysa.

Si kastaba ha ahaatee, muranka ka taagan guddiga doorashada iyo habraaca siyaasadeed ee maamulka Galmudug ayaa sii kordhinaya xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan dhinacyada kala duwan, xilli uu sii xoogeysanayo tartanka doorashada maamulkaas.