Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoona safarkaan uu noqonayo kii ugu horreeyay ee uu ku yimaado caasimadda Soomaaliya tan iyo markii loo doortay hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.
Wafdiga Aadan Madoobe ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socotay dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Aadan Madoobe oo hadal kooban ka jeediyay goobta ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiinta iyo shacabka soo dhaweynta diirran u sameeyay, isagoo sheegay inay ka tarjumeyso xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxeeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.


Aadan Madoobe ayaa sidoo kale bogaadiyay hanaankii doorashada ee lagu soo doortay talada maamulka Koonfur Galbeed, isagoo ku tilmaamay mid ku qabsoontay jawi deggan oo ay hareeyeen wadatashi, is-afgarad iyo ixtiraamka nidaamka dowladnimada.
Ugu dambeyn, Aadan Madoobe ayaa sheegay in dowladdiisa ay xoogga saari doonto arrimaha amniga, horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah, si loo dardar-geliyo horumarka ka socda deegaannada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhow oo dhex marta dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, si loo xoojiyo geeddi-socodka dowlad-dhiska, amniga iyo horumarka dalka.

Si kastaba ha ahaatee, booqashada Aadan Madoobe ee magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaysa xilli maamulka cusub ee Koonfur Galbeed uu bilaabayo hirgelinta qorshayaashiisa siyaasadeed iyo horumarineed, iyadoo la filayo inuu kulamo la yeesho madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.