Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay waddada Sheekh Cali Suufi ee degmada Hodan, kaddib markii la soo gaba-gabeeyey dib-u-dhis ballaaran oo lagu sameeyey waddadaas, taas oo horey u saameyn jirtay isu-socodka dadweynaha iyo gaadiidka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo munaasabadda furitaanka ka hadlay, ayaa tilmaamay in mashruucan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha magaalada, islamarkaana uu ka mid yahay miraha ka dhashay iskaashiga u dhaxeeya bulshada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Wuxuu xusay in canshuuraha laga qaado shacabka si toos ah loogu maalgeliyay adeegyada bulshada, gaar ahaan dib-u-dhiska waddooyinka iyo bilicda caasimadda, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah kobcinta horumarka magaalada.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in xaaladda amni ee soo hagaagaysa ay suuragelisay fulinta mashaariic horumarineed oo waaweyn, isaga oo shacabka ugu baaqay inay door muuqda ka qaataan ilaalinta nabadgelyada iyo taageerada hay’adaha amniga.

Dhinaca kale, Dr. Muungaab ayaa sheegay in maamulka uu wado dadaallo lagu isku dheelli tirayo waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda, gaar ahaan isku xirka isgoysyada Al-Baraka iyo Dabka, si loo fududeeyo isu-socodka magaalada.

Ugu dambeyn, Dr. Muungaab, ayaa shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan nadaafadda iyo badqabka waddooyinka, isaga oo sheegay in dhawaan lasoo saari doono xeerar lagu xoojinayo nadaafadda, si tallaabooyin sharci ah looga qaado cid kasta oo ku xadgudubta.