Guddoomiyaha golaha shacabka oo Baydhabo kulan kula yeeshay saraakiisha ciidanka

Guddoomiyaha golaha shacabka oo Baydhabo kulan kula yeeshay saraakiisha ciidanka

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay saraakiisha ciidamada ee hoggaaminayay howlgalka lagu xaqiijiyey amniga waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee magaalada iyo deegaanada ku hareereysan, iyo sidoo kale dardargelinta howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa qeybta 60-aad, iyo saraakiisha ciidanka deegaanka oo kulanka goob joog ka ahaa, ayaa guddoomiyaha siiyey warbixinno faahfaahsan oo la xiriira guulaha laga gaaray howlgalka, iyo sida looga sifeeyey maleeshiyaadka Al-shabaab waddada muhiimka ah ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa dhankiisa ku bogaadiyey ciidamada qalabka sida dadaalkooda iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen difaaca dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladda federaalka ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso ciidamada ku howlan sugidda amniga.

Si kastaba ha ahaatee, kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan howlgallada milatari ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab ee ka socda deegaanada Koonfur Galbeed, iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay xoojinayso qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga iyo dib-u-xoreynta dalka.