Maamulka Waqooyi Bari oo war kasoo saaray tallaabadii ay ku dhaqaaqday xildhibaan Fahiima Quuje

Maamulka Waqooyi Bari oo war kasoo saaray tallaabadii ay ku dhaqaaqday xildhibaan Fahiima Quuje

Guddoonka Baarlamaanka Waqooyi Bari Soomaaliya iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee maamulkaasi ayaa ka hadlay tallaabadii ay xildhibaan Fahiima Yuusuf Quuje uga tanaasushay xubinnimadii baarlamaanka, kadib markii ay ku dhawaaqday inay ku biirtay Somaliland.

Guddoonka Baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa soo bandhigay warqad uu Xeer Ilaaliyaha Guud kaga codsaday golaha wakiillada in laga qaado xasaanadda xildhibaan Fahiima Yuusuf Quuje, si loo guda galo dacwadaha loo haysto.

Eedeymaha loo haysto Fahiima Quuje ayaa la xiriira faafinta warar been abuur ah iyo falal lagu tilmaamay inay wax u dhimayaan midnimada bulshada Waqooyi Bari.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sidoo kale shaaciyay in qorshuhu ahaa in maanta oo ku beegan 18-ka July 2026 la horgeeyo baarlamaanka codsi ku saabsan ka qaadista xasaanadda xildhibaannimo ee Fahiima Quuje, si loo bilaabo hannaanka sharci ee dacwadda.

Tallaabooyinkan ayaa kusoo beegmaya kadib markii Fahiima Yuusuf Quuje ay ku dhawaaqday inay iska casishay xubinnimadii baarlamaanka Waqooyi Bari, isla markaana ay ka tanaasushay mowqifyadii siyaasadeed ee ay hore u taageersaneyd, iyadoo sheegtay inay ku biirtay Somaliland.

Fahiima Quuje ayaa kamid ahayd shaqsiyaadkii doorka muuqda ku lahaa dhaqdhaqaaqyadii siyaasadeed iyo bulsho ee ka dhacay magaalada Laascaanood sanadkii 2023, xilligaas oo ay socdeen dagaalladii sababay in ciidamada Somaliland ay ka baxaan magaalada.

Guddoonka Baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa soo bandhigay warqad ku taariikhaysan 15-kii July 2026, taas oo uu Xeer Ilaaliyaha Guud kaga codsaday golaha in laga qaado xasaanadda xildhibaan Fahiima Yuusuf Quuje, si loo guda galo dacwadaha loo haysto.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu sii xoogeysanayo loollanka siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanta u dhaxeeysa Waqooyi Bari iyo Somaliland, iyadoo go’aanka ay qaadatay Fahiima Quuje uu dhaliyay falcelin dhinacyada kala duwan ee siyaasadda iyo bulshada.