Ciidanka kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan duleedka degmada Jilib ee gobolka J/dhexe, kaas oo lagu beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay burburiyeen toddobo fariisin oo ay kooxda Al-shabaab ku lahayd duuleedka degmada Jilib, isla markaana ay gacanta ku dhigeen agabyo kala duwan oo yaallay goobihii la beegsaday.

Sidoo kale, saraakiishu waxay sheegeen in deegaanka Gambaale uu kamid ahaa goobihii muhiimka ahaa ee ay Al-shabaab ku lahaayeen saldhigyo ay ka abaabuli jireen dhaq-dhaqaaqyadooda, isla markaana uu ahaa bartilmaameed weyn oo ka mid ah howlgalka.
Dhinaca kale, taliska ciidamada ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay qorshaha lagu xoojinayo amniga deegaannada Jubbaland iyo howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka J/dhexe.
Ugu dambeyn, taliska ciidamada ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada militari ee lagu doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaannada ay weli ku sugan yihiin, hase yeeshee faahfaahin kama aysan bixin khasaaraha howlgalka kasoo gaaray dhinaca Al-shabaab.