Madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), ayaa maanta u amba-baxay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo safarkiisan uu qeyb ka yahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhaqaale ee u dhaxeeya labada dhinac.
Ilo ku dhow madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in safarka madaxweyne Cirro ay ku wehliyaan xubno sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, isagoona safarkiisa uu qaadan doonno muddo dhawr maalmood ah.
Madaxweyne Cirro ayaa kulamo la yeelan doona mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta, kuwaas oo lagu falanqeyn doono iskaashiga siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee labada dhinac.
Xiriirka u dhaxeeya Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ayaa sanadihii u dambeysay si joogto ah u xoogeysanayay, waxayna labada dhinac iska kaashadaan maalgashiga iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Si kastaba ha ahaatee, safarka madaxweyne Cirro ee Imaaraadka Carabta ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka Geeska Afrika ay ka jiraan isbeddello diblomaasiyadeed oo sii kordhaya, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara xiriirrada gobolka iyo iskaashiyada caalamiga ah.