Dhalinyaro soomaaliyeed tahriibayaal ah oo dalka dib loogu soo celiyay

174 dhalinyaro soomaaliyeed tahriibayaal ah oo dalka dib loogu soo celiyay

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Maxamed Cali, ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay illaa 159 dhalinyaro Soomaaliyeed oo laga soo celiyay dalka Liibiya.

Guud ahaan tirada dhalinyarada Soomaaliyeed ee maanta laga soo celiyay dalka Liibya ayaa gaaraya illaa 174 qof, waxaana 15 ka mid ah dhalinyaradaasi lagu dejiyay garoonka magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, halka 159 kalena ay soo gaareen magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradaan Soomaaliyeed oo ay ka muuqatay daruufo aad u adag ayaa soo maray xaalado adag oo bani’aadantinimo iyo amni darro, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen xabsi, jirdil, iyo nolol aad u liidata intii ay ku sugnaayeen dalka Liibiya.

Dib u soo celinta dhalinyaradaan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ku taageerayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dibadda, iyadoo la doonayo in lagu yareeyo halista iyo dhibaatooyinka la xiriira tahriibka sharci darrada ah.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalka dib u soo celinta dhalinyadaan Soomaaliyeed ayaa waxaa iska kaashaday wasaaradda arrimaha dibadda oo si dhow ula shaqeynaysay hay’addo caalami ah oo ay ka mid tahay hay’adda socdaalka caalamiga ee (IOM) iyo sidoo kale safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya.