Madaxweynaha Somaliland oo maanta safar ugu ambabaxay Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro)

Madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), ayaa maanta safar ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kula kulmi doono madax iyo mas’uuliyiin ka tirsan dalkaas, iyadoo safarkani uu qeyb ka yahay qorshayaasha Somaliland ee lagu xoojinayo xiriirka caalamiga ah iyo horumarinta fursadaha ganacsi iyo maalgashiga.

Safarka Madaxweyne Cirro ayaa imaanaya muddo labo toddobaad kadib markii Imaaraadka laga saaray gudaha dalka Soomaaliya, taas oo ka dhalatay go’aanka golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan joojinta heshiisyadii hore.

Madaxweyne Cirro ayaa markii uu gaaro Imaaraadka Carabta, wuxuu halkaasi kulamo kula yeelan doonaa mas’uuliyiin sar sare oo Imaaraadka ka tirsan iyo hay’ado ganacsi oo muhiim ah, si looga wada hadlo fursadaha iskaashi ee labada dhinac.

Si kastaba ha ahaatee, safarkan ayaa muujinaya sida Somaliland ay u doonayso inay hesho taageero caalami ah, islamarkaana ay xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka hodanka ah ee gobolka, taasoo ka qayb qaadan karta horumarinta dhaqaalaha, abuurista shaqooyin, iyo kobcinta maalgashiga gudaha iyo kan dibadda.