Taliska NISA oo shaaciyay magacyada xubo ka tirsan Al-shabaab ee la dilay

Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya (NISA)
Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya (NISA)

Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa shaaciyay magacyada xubnaha kooxda Al-shabaab ee lagu dilay howlgal qorsheysan oo shalay ka dhacay deegaanka Maxaa Saciid ee gobolka Sh/dhexe.

War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in ciidamada sirdoonka ay bartilmaameedsadeen guri ay shir ku lahaayeen kooxda Al-shabaab, halkaas oo lagu dilay 13 dhagarqabayaal oo 5 ka mid ah ay ahaayeen horjoogeyaal.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, horjoogeyaashii la dilay ayaa kulan ku lahaayeen guri si ay u diyaariyaan shirqoollo argagixiso iyo inay ku qasbaan dadka deegaanka taageero qasab ah, hase yeeshee Sirdoonka Qaranka ayaa ku guuleystay in uu joojiyo dhaq-dhaqaaqooda lana fashiliyo qorshayaashii ay wadeen.

Xubnaha la dilay, sida lagu caddeeyay war-saxaafadeedka, waxaa ka mid ahaa Macalin Caseyr, Macalin Muxumed Axmed Xasan, Shiikh Cali Guuraale, C/raxmaan Shiikh Cali (C/raxmaan Dhegey), iyo Macalin Caadey, kuwaas oo ka mas’uul ahaa falalka argagixiso ee ka fulin jiray gobollada Shabeelada Dhexe, Galgaduud, iyo Bay.

Howlgalka ayaa sidoo kale dhaawacay ilaa 8 dhagar-qabe, oo 3 ka mid ah ay ahaayeen horjoogayaal, dhaawacyadooduna aad u culus yihiin, kuwaas oo kala ah: Cali Macalin Xasan, C/laahi Muxudiin Maxamed Rooble (Bukuri), iyo C/raxmaan Axmed Diini.

Ugu dambeyntii, shacabka ayaa lagu wargeliyay inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha Al-shabaab, kuwaas oo bartilmaameed u ah ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.