Madaxweynaha Somaliland oo magaalada Davos kula kulmay madaxweynaha Israel

Madaxweynaha Somaliland oo magaalada Davos kula kulmay madaxweynaha Israel
Madaxweynaha Somaliland iyo kan Israel oo is gacan qaadaya

Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa habeenkii xalay magaalada DAVOS ee dalka Switzerland kulan casho sharaf ah kula yeeshay madaxweynaha Israel Isaac Herzog iyo Eric Trump oo ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Mareykanka.

Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro ayaa boggiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal uu ku sheegay in kulankaasi uu ahaa mid diiradda lagu saaray xoojinta iyo horumarinta xiriirka u dhaxeeya Israel iyo Somaliland.

“Waxa aan xalay kulan casho sharaf ah ku wada-qaadanay Davos- Shirka Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum), madaxweynaha Israel Isaac Herzong, waxaana kullanka diiradda lagu saaray xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dhinac” Ayuu Madaxweyne Cirro bartiisa Facebook ku shaaciyay.

Sidoo kale, madaxweyne Cirro ayaa sheegay in kullankaasi ay kasoo qayb galeen siyaasiyiin iyo hoggaamiyeyaal caalami ah, isaga oo si gaar ah u xusay Eric Trump, oo ah wiilka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Israel ayaa 26-kii bisha Diseembar ee sanadka 2025 ku dhawaaqday inay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan oo leh madax-bannaani buuxda, taas oo ka dhigtay dalka kaliya ee sidaas sameeya.

Madaxweynaha Somaliland oo magaalada Davos kula kulmay madaxweynaha Israel

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inaan marnaba gorgortan laga geli karin madax-banaanideeda, midnimada qaranka, iyo wadajirka dhulkeeda, iyadoo diidday tallaabada Israel ku aqoonsatay Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland oo magaalada Davos kula kulmay madaxweynaha Israel

Si kastaba ha ahaatee, sanadkii 1991 Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale, hase yeeshee weli ma aysan helin aqoonsi caalami ah oo rasmi ah.