Axmed Madoobe oo ka hadlay weerar culus oo ka dhacay gobolka J/hoose

Axmed Madoobe oo ka hadlay weerar culus oo ka dhacay gobolka J/hoose
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

War-saxaafadeed uu soo saaray madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa lagu bogaadiyay ciidamada Jubaland iyo kuwa Danab, kaddib guulo waaweyn howlgallo culus oo ka sameeyeen deegaanka Kudhaa oo ka tirsan degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland ay fashiliyeen damacii Al-shabaab islamarkaana muddo 24 saac ah ay uga saareen deegaanka Kudhaa.

“Muddo 24 saac ah, ciidamadeena geesiyaasha ah, waxay ku jireen howlgalo naf-hurimo ah, iyagoo si buuxda u fashiliyay damacii cadowga oo firxadkoodii ugu dambeeyay maanta ay soo afjareen” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland ay dileen illaa 59 ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana ay dhaawaceen 42 kale, iyagoona kadib la wareegay deegaanka Kudhaa ee degmada Badhaadhe.

Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa la sheegay inay gubeen illaa 10 gaadiid nooca dagaalka ah oo ay Al-shabaab u adeegsanayeen weerarada ay ku dhibaateeyaan shacabka halkaasi ku nool.

“Ciidanka Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa gubay 10 gaadiid nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen qoryo culus, taasi waxay muujineysaa jabka baaxadda weyn ee cadawga la gaarsiiyay” Ayuu lagu yiri war-saxaafadeedka.

Ugu dambeyntii, war-saxaafadeedka ayaa lagu boggaadiyay ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland, waxaana ciidankii waxyeelada kasoo gaartay weerarkaasi loogu rajeeyay inay caafimaad deg deg ah helaan, kuwii ku geeriyoodane uu naxariista Alle siiyo.