Madaxweyne Trump oo muddo shan maalmood ah dib u dhigay duqeymihii Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladda Maraykanka ay muddo shan maalmood ah dib u dhigeyso weerarada militari ee la qorsheeyay in lagu qaado xarumaha korontada iyo kaabeyaasha tamarta ee dalka Iiraan.

Trump ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social ku sheegay in Maraykanka iyo Iiraan ay labadii maalmood ee u dambeysay yeesheen wada-hadallo aad u wanaagsan oo miro-dhal ah, isaga oo xusay in la rajeynayo in wada-hadalladaasi ay kasoo baxaan natiijo wax ku ool ah.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan sheego in Maraykanka iyo dalka Iiraan ay labadii maalmood u dambeysay yeesheen wada-hadallo aad u wanaagsan oo miro-dhal ah, si xal buuxa oo kama dambays ah loogu helo colaadaha naga dhaxeeya ee Bariga Dhexe, iyadoo laga duulayo jawiga iyo habka ay wada-hadalladan u socdaan, waxaan faray Waaxda Dagaalka in dhammaan weerarada milatari ee ka dhanka ah xarumaha korontada iyo kaabeyaasha tamarta ee Iiraan inay si kumeel gaar ah dib u dhigto muddo shan maalmood ah, taas oo ku xiran guusha kulamada iyo wada-hadallada weli soconaya” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Donald Trump

Inkasta oo madaxweyne Donald Trump uu wada-hadalladan ku sifeeyay kuwo wax dhisaya, haddana saraakiisha Iiraan iyo warbaahinta dowladdaasi waxay shaki ka muujiyeen in natiijo wanaagsan laga gaari karo.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabada madaxweyne Trump ee dib u dhigista duqeymaha ayaa loo arkaa fursad cusub oo diblomaasiyadeed, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda la ogaado natiijada kasoo baxda wada-hadalladaas.