Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa lagu magacaabay guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka maamulkaasi.
Guddiga la magacaabay oo ka kooban 9 xubnood ayaa lagu amray inay si deg-deg ah u bilaabaan howlaha loo igmaday, taas oo la xiriirta diyaarinta iyo maamulka doorashooyinka golaha wakiilada Koonfur Galbeed iyo doorashada madaxweynaha maamulkaasi, kuwaas oo haatan wajahaya muran siyaasadeed oo xooggan.
Magacaabista guddigan ayaa lagu saleeyay qodobo ka tirsan dastuurka KMG ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo dastuurka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo awood sharciyeed siinaya in madaxweynaha maamulka uu soo magacaabo guddiyada madaxa-bannaan.
Xubnaha la magacaabay ee guddiga ayaa kala ah:
1. Shuceyb Nuur Xuseen – Guddoomiye
2. Cabdullaahi Xuseen Cusmaan – Guddoomiye Ku-xigeen
3. Feysal Maxamed Isaakh – Xoghaye
4. Ibraahim Isakh Xasan – Xubin
5. Maaxi Cusmaan Cali – Xubin
6. Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Maxamed – Xubin
7. Fardowsa Maxamed Ismaaciil – Xubin
8. Cusmaan Jeylaani Awoow – Xubin
9. Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim – Xubin
Si kastaba ha ahaatee, tallaabada lagu magacaabay guddigaan cusub ayaa loo arkaa mid uu maamulka Koonfur Galbeed ku dardar gelinayo qorshaha doorashooyinka, inkastoo ay weli taagan tahay dood xooggan oo ku saabsan sharciyadda iyo hufnaanta geeddi-socodkaasi.