Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baydhabo kaga qayb galay munaasabad lagu taageerayo doorashada “qof iyo cod”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baydhabo kaga qayb galay munaasabad lagu taageerayo doorashada "qof iyo cod"
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baydhabo kaga qayb galay munaasabad lagu taageerayo doorashada "qof iyo cod"

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad ballaaran oo ay haweenka Koonfur Galbeed ku muujiyeen taageeradooda ku aaddan horumarinta dimuqraadiyadda iyo dhismaha dowladnimo ku dhisan rabitaanka shacabka.

Munaasabadaan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa lagu muujiyay sida haweenku door muuqda uga qaadan karaan wacyigelinta bulshada, xoojinta nabadda iyo hirgelinta nidaamka doorashooyinka “qof iyo cod”.

Khudbad uu halkaas ka jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ku caddeeyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay si dhab ah uga go’an tahay hirgelinta doorashooyinka “qof iyo cod”, isaga oo xusay in Koonfur Galbeed uu noqon doonno maamul goboleedkii ugu horreeyay ee nidaamkan laga hirgeliyo.

“Koonfur Galbeed waxay noqon doontaa maamul goboleedka ugu horeeya ee laga hirgaliyo doorasho “qof iyo cod”, waxayna ku dhici doontaa si wanaagsan oo ku saleysan rabitaanka shacabka” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bulshada Koonfur Galbeed ugu baaqay inay xoojiyaan wada noolaanshaha iyo is-ixtiraamka, si loo abuuro jawi siyaasadeed oo xasilloon oo suuragelin kara hirgelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laga gudbo khilaafaadkii siyaasadeed ee hore, isagoo sheegay in aan wax dambi ah loo haysan saraakiishii iyo mas’uuliyiintii maamulkii hore ee Koonfur Galbeed, isla markaana loo baahan yahay in la mideeyo dadaallada lagu dhisayo mustaqbal nabdoon oo ay shacabka Soomaaliyeed si xor ah ugu doortaan hoggaankooda.