Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah fariisimaha ciidamada ee ku yaalla magaalada Baydhabo, si ay ugu kuur galaan xaaladda ciidamada iyo howlgalada amni ee ka socda gobolka.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ku doonayso kor u qaadidda tayada ciidamada, dardargelinta howlgalada amniga, iyo la-dagaallanka kooxaha hubeysan ee weli amni xumada ka wada deegaanno ka tirsan gobolka.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada ee ku sugan magaalada Baydhabo, iyagoo sidoo kale si toos ah ula hadlay askarta, kuna bogaadiyey geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen.

Waxay si gaar ah u amaaneen ciidamada ka qeyb qaatay howlgaladii lagu furay waddada istaraatiijiga ah ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, taas oo door muhiim ah ka qaadanaysa isu socodka shacabka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga dalka.

Ugu dambeyn, waxay mas’uuliyiintaasi sheegeen in kormeerkan uu uljeedkiisu yahay xoojinta isku-duubnida iyo wada shaqeynta ciidamada qaranka, iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay sii waddo howlgallada militari ee lagu wiiqayo kooxaha argagixisada, isla markaana lagu sugayo amniga guud ee dalka.