Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleema-saarka madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo dhawaan dib loogu doortay xilkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ahaa madaxda heer gobol iyo caalami ah, iyo sidoo kale wufuud sare oo lagu casuumay munaasabadda caleema-saarka, taas oo muujinaysay muhiimadda xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Jabuuti iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleema-saarka madaxweynaha Jabuuti
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleema-saarka madaxweynaha Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle, isagoona sheegay in Jabuuti Iyo Soomaaliya ay wadaagaan xiriir taariikhi ah oo ku dhisan iskaashi iyo is-aaminaad.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleema-saarka madaxweynaha Jabuuti
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleema-saarka madaxweynaha Jabuuti

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga ku saabsan amniga, dhaqaalaha iyo guud ahaan xiriirka laba geesoodka ah, si loo xaqiijiyo nabad waarta, horumar iyo xasillooni ka hanaqaadda guud ahaan Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleema-saarka madaxweynaha Jabuuti
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleema-saarka madaxweynaha Jabuuti

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Jabuuti ayaa qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay dalalka gobolka, gaar ahaan kuwa muhiimka u ah iskaashiga amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika.