Mas’uuliyiin sare oo katirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay mowqifka dowladda ee ku aaddan banaanbaxa mucaaradka ee la qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay in dowladda ay oggolaatay qabashada banaanbaxa balse aan loo dulqaadan doonin wax kasta oo halis gelin kara amniga caasimadda.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Wasiirka Amniga Gudaha, C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen kaga hadlay xaaladda guud ee amniga iyo diyaar-garowga la xiriira banaanbaxa mucaaradka ku baaqay.
Guddoomiye Xasan Muungaab, ayaa sheegay in dowladda ay si rasmi ah u fasaxday banaanbaxa, balse lagu qaban doono goob cayiman si loo ilaaliyo amniga iyo kala dambeynta magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay in dowladda ay u qorsheysay garoonka Injineer Yariisow in lagu qabto banaanbaxa mucaaradka.
“Waxaan fasaxnay oo aan ogollaanay banaanbaxa uu mucaaradku ku baaqay berri oo ay taariikhdu tahay 10-ka bisha May 2026, hadaba maamulka gobolka Banaadir iyo laamaha ammaanka waxay isla garteen si loo illaaliyo xasiloonida magaalada Muqdisho, in banaanbaxaasi lagu qabto garoonka Injineer Yariisow, mana jiri doonto cid loo oggolaanayo inay sameeyso fowdo ama khalalaase” Sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka ay si adag uga hortagi doonaan cid kasta oo isku dayda inay wax u dhinto xasilloonida Muqdisho, isagoo ku eedeeyay qaar kamid ah mucaaradka inay abaabulayaan falal lagu carqaladeynayo amniga caasimadda.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda aysan aqbali doonin bannaanbaxyo ka baxsan habraacyada amniga ee ay dejisay dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna ku boorriyay qabanqaabiyeyaasha bannaanbaxa inay u hoggaansamaan tilmaamaha dowladda.
“Waxaan hadda xog ku helnay in rag mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin hore ah ay qorsheynayaan inay magaalada khalkhal geliyaan, isla markaana ay abaabulaan falal lagu boobayo hantida ganacsatada iyagoo ku gambanaya cabashada shacabka,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).
Ugu dambeyn, Wasiir Fartaag ayaa mucaaradka ku eedeeyay inay hub u qeybiyeen maleeshiyaad, isla markaana ay qorsheynayaan inay isku dhac la galaan ciidamada ammaanka, taas oo keeni karto in shacabka waxyeelo kasoo gaarto.
“Waxaan ka warqabnaa in maleeshiyaad hub loo qeybiyay si ay magaalada u khalkhal geliyaan, isla markaana uga hor yimaadaan ciidamada ammaanka sugaya, si dhibaato ay u gaarto shacabka,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli ay marba marka kasii dambeysa sii xoogeysaneyso xiisadda siyaasadeed ee dalka, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo xaaladda amni ee magaalada Muqdisho, iyadoo laamaha ammaanka ay saacadihii ugu dambeeyay kordhiyeen feejignaanta iyo dhaq-dhaqaaqyada lagu sugayo ammaanka guud ee caasimadda dalka.