Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa habeenkii xalay kulan afur ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka ururrada siyaasadda dalka, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saaray jihada siyaasadeed ee dalka, horumarinta nidaamka doorashooyinka iyo xoojinta hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo wadatashiga u dhaxeeya dowladda iyo daneeyayaasha siyaasadda, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay u diyaar-garowga doorashooyinka qof iyo cod ee la qorsheynayo in laga hirgeliyo gobollada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dhageystay mas’uuliyiinta ururrada siyaasadda aragtiyo iyo talooyin ku saabsan dhismaha nidaam doorasho oo hufan, daah-furan, isla markaana loo dhan yahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ururrada siyaasadda ay door muuqda ka qaataan wacyigelinta bulshada, kobcinta ka-qaybgalka shacabka iyo ilaalinta xasilloonida siyaasadeed.

Wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh ku booriyay in la xoojiyo wada shaqaynta iyo kalsoonida siyaasadeed si loo xaqiijiyo hannaan dimuqraadi ah oo ku dhisan rabitaanka muwaadiniinta.
Dhankooda, hoggaanka ururrada siyaasadda ayaa adkeeyay muhiimadda midnimada, wadashaqeynta joogtada ah, iyo ilaalinta jawi siyaasadeed oo deggan, iyagoo tilmaamay in geeddi-socodka dimuqraadiyadda uu u baahan yahay isfaham siyaasadeed iyo ka qeybgal wadajir ah oo dhammaan dhinacyadu ka shaqeeyaan danta guud.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Cali Xoosh, wasiirka cadaaladda iyo dastuurka Xasan Macalin, iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada qaranka C/xakiim Maxamed Yuusuf.
Si kastaba ha ahaatee, kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli ay dowladda federaalku dardar gelinayso qorshayaasha la xiriira dhammeystirka dastuurka, dhismaha nidaamka axsaabta badan iyo qabsoomidda doorashooyin loo dhan yahay, kuwaas oo loo arko tallaabo muhiim u ah hirgelinta dowladnimo buuxda iyo xasillooni waarta.