Dowladda Iiraan ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida hoggaamiyihii ugu sareeyay dalkaasi Ayatollah Ali Khamenei, kaas oo lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil.
Bayaan laga sii daayay Tehran ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday xarun si weyn loo ilaaliyo, isla markaana ay ku dhinteen xubno ka tirsan qoyskiisa iyo dad kale oo goobta ku sugnaa xilligii duqeyntu dhacaysay.
Khamenei oo 86 sano jir ahaa, wuxuu xilka hoggaanka sare hayay tan iyo 1989-kii, markaas oo uu beddelay aasaasihii Jamhuuriyadda Islaamiga ah, Ayatollah Ruhollah Khomeini.
Intii uu talada hayay, wuxuu ahaa shakhsiga ugu awoodda badan Iiraan, isaga oo saameyn toos ah ku lahaa siyaasadda gudaha, arrimaha dibadda iyo jihaynta ciidamada qalabka sida.
Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalmood oo baroordiiq qaran ah, iyadoo calanka hoos loo dhigay guud ahaan dalka.
Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Iiiraan ayaa geerida ku tilmaamay “weerar halis ku ah madaxbannaanida dalka,” waxayna ballanqaadeen in jawaab adag laga bixin doono.
Saacado kadib duqeynta, Iiraan ayaa sheegtay inay qaaday tallaabooyin militari oo jawaab celin ah, iyadoo gantaallo ku garaacday bartilmaameedyo ku yaalla dalal ka tirsan Khaliijka Carabta.
Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in qaar ka mid ah gantaalladaasi lagu beegsaday goobo ku yaalla Imaaraadka Carabta, inkastoo qaar badan oo ka mid ah gantaalladaasi ay qabteen nidaamyada difaaca cirka.
Khubarada arrimaha siyaasadda iyo amniga ayaa ku tilmaamay dilka Khamenei mid wax ka beddeli kara isku dheelitirka awoodda ee Bariga Dhexe, iyagoo ka digaya in xaaladdu isu rogi karto dagaal ballaaran haddii aan la helin dadaallo degdeg ah oo diblomaasiyadeed.
Beesha caalamka ayaa ugu baaqday dhinacyada ku lugta leh inay muujiyaan is-xakameyn, kana fogaadaan tallaabooyin sii hurin kara colaadda.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, iyadoo dunidu si dhow ula socoto tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan dhinacyada ku lugta leh.