Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaasi oo uga qayb gali doonno munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Uganda, Yoweri Museveni.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu gaaray magaalada Kampala waxa garoonka diyaaradaha ee Entebbe kusoo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha Uganda Robinah Nabbanja iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Uganda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markaasi kadib kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalkaasi Uganda Yoweri Museveni, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal.
Labada madaxweyne ayaa kulankooda diiradda ku saaray arrimaha amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Uganda, gaar ahaan dhinacyada difaaca, tababarrada ciidamada iyo taageerada howlgalada amniga ee gobolka.
Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dowladda iyo shacabka Uganda uga mahadceliyay doorka muuqda ee ay ku leeyihiin taageerada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, gaar ahaan ka qayb qaadashada howlgalada nabad ilaalinta iyo dadaallada dib u dhiska hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, isaga oo xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed, amni iyo dhaqaale ee kala dhaxeeya Uganda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddo 24 saac ka yar dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu dalka Jabuuti kaga soo qayb galay munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha dib loo doortay ee dalkaasi Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Si kastaba ha ahaatee, kulanka labada madaxweyne ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Uganda, xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.