Sheekh Shariif oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay carqaladeysay banaanbixii mucaaradka

Sheekh Shariif oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay carqaladeysay banaanbixii mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa shir jaraa’id oo uu goordhow ku qabtay hoygiisa magaalada Muqdisho kaga hadlay caqabadaha iyo cadaadiska uu sheegay inay kala kulmeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya intii lagu guda jiray qaban-qaabada banaanbixii maanta ay qorsheeyeen siyaasiyiinta mucaaradka.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in dowladda federaalka ay si toos ah uga hortagtay qabsoomidda banaanbaxa, isaga oo ku tilmaamay tallaabadaasi mid niyad jab leh oo aan laga fileyn dowlad uu sheegay in muddo-xileedkeedu gabaabsi yahay.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka ay xireen waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, taas oo sida uu sheegay ka hor istaagtay shacabka inay gaaraan goobta bannaanbaxa lagu waday inuu ka dhaco.

“Waa ayaan darro in ciidamada dowladda ay waddooyinka ka xiraan shacabka doonayay inay ka qeyb qaataan banaanbaxa, sidoo kalena la jirdilo dadkii gaaray goobta lagu balansanaa,” Sidaas waxaa yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dhinaca kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in mucaaradka aysan ka laaban doonin qorshahooda banaanbaxyada, islamarkaana ay sii wadi doonaan dadaallada ay ku doonayaan inay ku difaacaan shacabka uu sheegay in laga barakiciyay guryahooda.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in cadaadis kasta oo la saaro uusan joojin doonin dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka, isagoo xusay inay sii wadayaan banaanbaxyada iyo ololaha ay kaga soo horjeedaan waxa ay ku tilmaameen dulmiga lagu hayo shacabka Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo baxay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kusoo aadaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan muranka la xiriira banaanbaxyada, barakicinta shacabka iyo xaaladda amniga magaalada Muqdisho.