Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta la filayaa inuu kulan la yeesho Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, xilli uu jiro is-mariwaa siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo marxaladda kala guurka ee dalka.
Kulankan ayaa imaanaya iyadoo ay cirka isku shareertay xiisadda u dhaxeeysa dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Kulanka oo ah qado-sharafeed uu martigelinayo madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ka dhacaya gudaha Hotel Decale, oo ku yaalla agagaarka Xalane, halkaas oo ay degan yihiin qaar ka mid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka.
Goobta la doortay ayaa la rumeysan yahay inay astaan u tahay dhexdhexaadnimo, maadaama Xalane ay hoy u tahay xarumo caalami ah iyo masuuliyiin kala duwan.
Kulankan ayaa loo arkaa mid hordhac u ah dadaallo ballaaran oo lagu doonayo in lagu yareeyo kala aragti duwanaanta jirta, looguna gogol xaaro shir guud oo looga tashanayo mustaqbalka doorashooyinka dalka.
Qodobada la filayo in laga wada hadlo waxaa ka mid ah nooca doorasho ee la qaadanayo, waqtigeeda, iyo habraacyada sharciyeed ee lagu wajahayo marxaladda kala guurka.
Ujeeddada kulanka ayaa sidoo kale ah in la helo isu soo dhawaansho siyaasadeed iyo is-afgarad ku saabsan qabsoomidda shir rasmi ah oo ay wada yeeshaan madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, khilaaf ayaa weli ka taagan goobta lagu qabanayo shirkaas, iyadoo Golaha Mustaqbalka ay ku adkeysanayaan in shirka lagu qabto gudaha Xalane, halka Dowladda Federaalka ay dooneyso in lagu qabto Madaxtooyada Qaranka.
Arrintan ayaa noqotay caqabadda ugu weyn ee dib u dhigaysa iclaaminta shir guud oo rasmi ah.
Kulanka maanta la filayo ayaa si weyn isha loogu hayaa, maadaama uu door muhiim ah ka qaadan karo jihaynta marxaladda siyaasadeed ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, weli lama oga natiijada ka soo bixi doonta wada-hadallada, iyadoo arrimo dhowr ah oo la isku maandhaafsan yahay ay taagan yihiin, taasoo muujineysa in wadahadallada siyaasadeed ay u baahan yihiin dulqaad, tanaasul iyo hoggaan mideeya danaha qaranka.