Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qeyb-galay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qeyb-galay Shirka Ganacsiga Afrika
Ra'iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qeyb-galay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb-galay Shirka Ganacsiga Afrika, oo ay kasoo qeyb-galeen madax dowladeed, ganacsato, iyo daneeyayaal caalami ah.

Mudane Saalax ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay abuurista jawi maalgashi oo hufan, taageerida ganacsatada, iyo dhiirri-gelinta maal-gashadayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa intaa ku daray in dalka uu leeyahay fursado maalgashi oo ballaaran, gaar ahaan dhinacyada dekadaha, beeraha, iyo kalluumeysiga, isagoo xusay in juqraafi ahaan Soomaaliya ay ku taallo meel istiraatiiji ah oo isku xirta suuqyada Afrika iyo caalamka, taasoo ka dhigaysa meel ku habboon ganacsi iyo maalgashi.

Ugu dambeyn, Mudane Saalax ayaa ugu baaqay maalgashadayaasha caalamiga ah inay ka faa’iideystaan kheyraadka dabiiciga ah iyo fursadaha kobaca ee dalka, isagoo adkeeyay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay fududeynta sharciyada, dhiirrigelinta iskaashiga dhaqaale, iyo taageeridda mashaariicda horumarineed ee waara.

Si kastaba ha ahaatee, shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay xoogga saareyso dhisidda iskaashi dhaqaale oo waara, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo abuurnta jawi maalgashi oo hufan, iyadoo la doonayo in la xoojiyo xiriirka ganacsi ee dalka la leeyahay dalalka Afrika iyo beesha caalamka.