Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay nuqulka Dastuurka cusub ee dalka, kaddib markii ay hore u ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Munaasabadda saxiixa oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada ee Muqdisho ayaa Madaxweynaha wuxuu ku sheegay in tallaabadan ay astaan u tahay dhammaadka marxalad dheer oo dib-u-eegis iyo ka shaqeyn lagu sameynayay dastuurka dalka, kaas oo muddo badan ku jiray xaalad ku-meel-gaar ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dhaqan-gelinta dastuurkan cusub ay bilaaban doonto isla maanta, isaga oo tilmaamay in uu door muhiim ah ka qaadan doono xoojinta hay’adaha dowliga ah, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa adkeeyay in meelmarinta dastuurka ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo dowladnimo buuxda iyo nidaam sharci oo sugan, taas oo gacan ka geysan doonta horumarka siyaasadeed iyo mid dowladeed ee dalka.

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyo sidoo kale madaxda guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka.
Si kastaba ha ahaatee, dastuurkan cusub ayaa la filayaa inuu noqdo saldhig sharci oo muhiim u ah hagidda nidaamka dowladeed, isla markaana uu door weyn ka qaato xasilinta iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya.