Mojtaba Khamenei oo loo doortay hoggaamiyaha ugu sareeya Iiraan

Hoggaamiyaha ugu sareeya dalka Iiraan Mojtaba Khamenei
Hoggaamiyaha ugu sareeya dalka Iiraan Mojtaba Khamenei

Golaha khubarada islaamiga ee Iiraan ayaa ku dhawaaqay in Mojtaba Khamenei si rasmi ah loogu doortay hoggaamiyaha sare ee cusub ee dalkaasi, kaddib geerida aabihii Ayatollah Ali Khamenei oo muddo dheer xilkaasi hayay.

Geerida Ayatollah Ali Khamenei ayaa timid kaddib weerar dhanka cirka ah oo ay si wadajir ah dalkaasi Iiraan uga fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil, taas oo sii kordhisay xiisadaha amni iyo kuwa siyaasadeed ee ka taagan gobolka.

Mojtaba Khamenei oo 56 sano jir ah ayaa ah wiilka labaad ee uu dhalay hoggaamiyihii hore, inkastoo uusan hore u qaban xil dowladeed oo muuqda, haddana waxaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay shaqsiyaadka saameynta weyn ku leh gudaha nidaamka hoggaanka sare ee Iiraan.

Warbixino kala duwan ayaa sidoo kale tilmaamaya in Mojtaba Khamenei uu xiriir dhow la leeyahay Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC), kuwaas oo door weyn ku leh awoodda militari iyo siyaasadeed ee dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, doorashadiisa ayaa kusoo beegmaysa xilli Iiraan ay wajahayso xaalad amni oo adag iyo duqeymo la sheegay inay kaga imaanayaan Maraykanka iyo Israa’iil, taas oo ka dhigaysa marxalad xasaasi ah oo hoggaanka cusub uu wajihi doono caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni oo waaweyn.