Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta dhexe ee wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya, taas oo qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladda federaalka ay mudnaan gaar ah siinayso casriyeynta dekedaha, horumarinta iyo ilaalinta khayraadka badda, iyo sugidda amniga badaha, si loo xaqiijiyo ka faa’iidaysi waara oo loo ilaaliyo jiilasha mustaqbalka.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in badda Soomaaliyeed loo arko laf-dhabarta koboca dhaqaalaha dalka, iyadoo xoogga la saarayo amniga badda, maareynta khayraadka dabiiciga ah, dhowrista deegaanka badda iyo ka hortagga xaalufinta.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa indha-indheyn ku sameeyay qeybaha kala duwan ee dhismaha cusub, isaga oo xusay doorka muhiimka ah ee wasaaraddu ku leedahay horumarinta ganacsiga badda iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay suuqyada caalamka.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay shaqaalaha wasaaradda dadaalka ay ugu jiraan horumarinta adeegyada muhiimka u ah dalka, isagoo ku boorriyay inay sii xoojiyaan shaqada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.
