Faah faahin:- Nin dhakhtar oo laga afduubtay magaalada Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug

Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa afduub xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu beegsaday Dr. Faarax Cabdi Maxamed oo ka tirsanaa hay’adda Médecins Sans Frontières (MSF).

Dr. Faarax Cabdi Maxamed ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dhakhaatiirta hay’adda MSF ee hawlaha samafalka caafimaad ka wada isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo, isagoo door muuqda ku lahaa bixinta adeegyada caafimaad ee bulshada deegaanka.

Wararka horudhaca ah ayaa tilmaamaya in kooxaha afduubka geystay ay soo bandhigeen muuqaal ay ku dalbanayaan in la sii daayo nin ku xiran magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Ninkaasi ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa kiis dil ah oo loo geystay taliyihii hore ee ciidamada madaxtooyada Puntland, Col. Cismaan Cumar Maxamed (Cismaan Itoobiyaan), oo sanadkii 2020-ka lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dhacdadaan ayaa si weyn u gilgishay bulshada deegaanka, iyadoo waxgaradka gobolka Mudug ay si adag u cambaareeyeen falka, kuna baaqeen in si degdeg ah loo sii daayo dhakhtarkaan, isla markaana laga fogaado falalka halista ku ah shaqaalaha samafalka iyo adeegyada caafimaadka.

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka amniga Puntland, hase yeeshee xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa lagu tilmaamayaa mid weli kacsan, iyadoo la sugayo tallaabooyinka ay qaadi doonaan hay’adaha ammaanka.