Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka Muqdisho kala qeyb-galay dabaal-degga 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka Muqdisho kala qeyb-galay dabaal-degga 1-da Luulyo

Madaxweynaha Soomaaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa habeenkii xalay shacabka magaalada Muqdisho kula dabaal-degay munaasabadaha lagu xusayay 66-guurada kasoo wareegtay maalintii ay koonfurta Soomaaliya xurnimada ka qaadatay gumeystihii Talyaaniga islamarkaana ay la midoobeen gobolladii Waqooyi, 1-dii Luulyo 1960.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo habeenkii xalay shacabka Muqdisho kala qeyb-galay dabaal-degga 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay munaasabadaha iyo goobaha ay dadweynuhu isugu soo baxeen ayaa xusay in maalintani ay tahay astaan qaran oo ka tarjumaysa halgankii dheeraa ee loo soo maray gobannimada iyo dowladnimada Soomaaliya, isagoona ku ammaanay halyeeyadii Soomaaliyeed ee doorka weyn kasoo qaatay hirgelinta himiladii xorriyadda iyo mideynta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo habeenkii xalay shacabka Muqdisho kala qeyb-galay dabaal-degga 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in guulihii la gaaray xilligaas ay ku yimaadeen naf-hurid, adkaysi iyo midnimo qaran, isaga oo carrabka ku adkeeyay in jiilasha maanta ay saaran tahay mas’uuliyadda ilaalinta iyo sii ambaqaadidda dhaxalkaas taariikhiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo habeenkii xalay shacabka Muqdisho kala qeyb-galay dabaal-degga 1-da Luulyo

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in muuqaalka shacabka oo si nabad ah ugu dabaaldegaya waddooyinka Muqdisho uu ka tarjumayo horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga iyo xasilloonida, isla markaana uu muujinayo rajada iyo kalsoonida sii kordheysa ee bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo habeenkii xalay shacabka Muqdisho kala qeyb-galay dabaal-degga 1-da Luulyo
Madaxweyne Xasan Sheekh oo habeenkii xalay shacabka Muqdisho kala qeyb-galay dabaal-degga 1-da Luulyo

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa farriin gaar ah u diray shacabka Somaliland, isaga oo ku bogaadiyay kaalintii taariikhiga ahayd ee ay ku lahaayeen halgankii gobannimada iyo mideyntii ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo habeenkii xalay shacabka Muqdisho kala qeyb-galay dabaal-degga 1-da Luulyo

Waxa uu xusay in dowladda federaalka Soomaaliya ay weli diyaar u tahay in wada hadal iyo is-afgarad lagu xalliyo arrimaha taagan, si loo gaaro xal waara oo ku dhisan wadajir iyo midnimo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo habeenkii xalay shacabka Muqdisho kala qeyb-galay dabaal-degga 1-da Luulyo
Madaxweyne Xasan Sheekh oo habeenkii xalay shacabka Muqdisho kala qeyb-galay dabaal-degga 1-da Luulyo

Ugu dambeyn, munaasabadda xuska 1-da Luulyo ayaa kusoo dhammaatay jawi ay ka muuqatay farxad, waddaniyad iyo xusuusta halgankii loo soo maray xorriyadda dalka, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay dib u xusuusanayeen maalintii ay Soomaaliya ku midoowday hal calan iyo hal qaran.