Madaxweyne Cirro oo si kulul uga falceliyay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro)

Madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), ayaa si kulul uga falceliyay hadal uu dhawaan jeediyay madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaas oo xukuumadda talada haysa ugu baaqay inay taxaddar dheeri ah ka muujiso heshiisyada iyo xiriirrada cusub ee ay la yeelanayso Israa’iil.

Muuse Biixi ayaa toddobaadkii hore sheegay in isbeddellada siyaasadeed iyo amni ee ka socda Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika ay abuureen xaalado cusub oo u baahan in si qoto dheer loo qiimeeyo, isagoo ku taliyay in xukuumadda Somaliland ay ka fiirsato tallaabo kasta oo la xiriirta heshiisyo waaweyn iyo arrimaha ku saabsan Israa’iil.

Madaxweyne Cirro ayaa hadalkaas uga jawaabay si toos ah, isaga oo ku boorriyay Muuse Biixi inuu taageero dadaallada lagu doonayo in Somaliland hesho aqoonsi caalami ah, halkii uu ka muujin lahaa mowqif caqabad ku noqon kara qorshayaasha socda.

Madaxweyne Cirro ayaa carrabka ku adkeeyay in qaddiyadda aqoonsiga Somaliland ay tahay mas’uuliyad qaran oo aan lagu koobayn xisbi ama koox gaar ah, balse ay tahay himilo mideyn karta dhammaan shacabka Somaliland, isagoona xusay in guusha laga gaari karo arrintaas ay ku xiran tahay wadajir, iskaashi iyo in la isku duwo dadaallada siyaasadeed ee gudaha iyo dibaddaba.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in aqoonsigu yahay yool ay shacabka Somaliland muddo tobannaan sano ah u soo halgameen, sidaas darteedna aan habboonayn in laga dhigo arrin siyaasadeed oo lagu kala aragti duwanaado ama lagu kala qaybsamo.

Ugu dambeyn, madaxweyne Cirro ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta, ururrada bulshada iyo qaybaha kala duwan ee shacabka inay yeeshaan mowqif mideysan oo lagu difaacayo danaha Somaliland, gaar ahaan dadaallada lagu raadinayo aqoonsi caalami ah.

Hadalka madaxweyne Cirro ayaa loo fasirtay jawaab toos ah oo ku wajahan digniintii Muuse Biixi, taas oo timid xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha ku saabsan xiriirrada cusub ee Somaliland la yeelanayso Israa’iil iyo saameynta ay arrintaasi ku yeelan karto siyaasadda gobolka.

Dalal dhowr ah oo Islaami ah iyo qaar ka tirsan dalalka Afrika ayaa hore u muujiyay walaac ku saabsan xiriir kasta oo dhex mara Somaliland iyo Israa’iil, iyagoo ka digay in tallaabooyinka noocaas ahi ay saameyn ku yeelan karaan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee gobolka.