Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta caalamka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed sida ay uga faa’iideysteen bisha barakeysan ee Ramadan, isagoo Alle ka baryay in laga aqbalo chammaan cibaadooyinkii kala duwanaa ee ay gutaan, oo ay ka mid yihiin soonka, salaadda iyo samafalka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay inay muhiim tahay in la sii ambaqaado qiyamka wanaagsan ee lagu barbaaray bisha Ramadan, sida dulqaadka, iscaawinta iyo is-ixtiraamka, kuwaas oo saldhig u ah dhismaha bulsho mideysan oo nabad ku wada nool.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka ugu baaqay inay ka shaqeeyaan xoojinta midnimada iyo wadajirka, si loo sii adkeeyo nabadda loona gaaro horumar joogto ah.