Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan deg deg ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan deg deg ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta kulan deg deg ah la yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo kulankaasi uu ka dhacay xarunta madaxtooyada maamulkaas.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, gaar ahaan arrimaha la xiriira faragelinta lagu eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Odayaasha la wadaagay mowqifka rasmiga ah ee maamulkiisa, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dastuurka, dhowrista madax-bannaanida maamul goboleedka, iyo xoojinta wada-shaqeyn ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan deg deg ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka

Sidoo kale, Madaxweyne Laftagareen ayaa xusay in maamulkiisu ay ka go’an tahay difaaca danaha shacabka Koonfur Galbeed, isla markaana ay mudnaan gaar ah siinayso xasilloonida iyo horumarka deegaanada.

Dhankooda, Odayaasha Dhaqanka ayaa muujiyay walaacooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee taagan, iyagoo ku baaqay in la xoojiyo midnimada bulshada, lana ilaaliyo nabadda iyo wadajirka shacabka, iyagoona sidoo kale adkeeyay doorkooda ku aaddan dhex-dhexaadinta iyo ilaalinta xasilloonida.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wadatashiga iyo wadajirka hoggaanka iyo bulshada, si loo helo xal waara oo ku saabsan xaaladaha siyaasadeed ee ka jira Koonfur Galbeed Soomaaliya.