Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaciyay qorshe siyaasadeed iyo sharci oo saddex geesood ah, kaas oo lagu joojinayo ama lagaga hortagayo waxa uu ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisa ay si dhaw ula shaqeynayso saaxiibo uu hoggaaminayo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, si loo ilaaliyo xasilloonida loogana gaashaanto waxa uu ugu yeeray “kicin aan mas’uuliyad lahayn.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah dowladaha gobolka ay u arki karaan aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland fursad ay ku gaaraan danahooda gaarka ah ee muddada gaaban, iyagoo wax u dhimaya midnimada Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.
“Ma doonayo inaan magacaabo dal gaar ah ama dalal gaar ah, laakiin waa cadahay in qaar ay u arki karaan aqoonsigan fursad ay ku gaaraan dano kooban.” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka digay in aqoonsiga Israa’iil uu dhiirrigelin karo dhaq-dhaqaaqyo gooni-isu-taag ah oo Geeska Afrika iyo guud ahaan Afrika iyo Carabta ah, isla markaana uu khatar ku yahay marin ganacsi muhiim ah iyo ammaanka dalalka ku teedsan Badda Cas sida Sacuudi Carabiya, Masar, Suudaan, Eritrea, Yemen, iyo Urdun.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in ujeeddada Israa’iil aysan ku ekeyn aqoonsi siyaasadeed oo keliya, balse ay raadineyso saldhig istiraatiiji ah oo ku dhow Badda Cas, si ay u saameyso Marin-biyoodka Baabul-Mandeb iyo ammaanka dalalka gobolka.
Xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya ayuu ku tilmaamay mid qoto dheer oo istiraatiiji ah, iyadoo Boqortooyadu taageerto xasilloonida, dib-u-dhiska, horumarinta, iyo ammaanka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in mowqifka Sacuudiga uu sii xoojinayo taageerada midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana fariin muhiim ah u dirayo beesha caalamka si loo ixtiraamo madax-bannaanida dowladaha.